Home / Habka-Nolosha / Cristiano Ronaldo oo la ganaaxay shan kulan kadib…..

Cristiano Ronaldo oo la ganaaxay shan kulan kadib…..

Muqdisho – Xiddiga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa garka loo galiyay ganaax shan kulan ah kaddib markii uu kala tuuray garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankii El-Clasico ee Barcelona iyo Real Madrid habeennimadii Axadda.

Portuguese-kan ayaa badal kusoo galay kulankan 3-1 ay kaga adkaadeen Barcelona oo ahaa lugta hore ee Spanish Super Cup.

Ronaldo kahor inta aan lasiin calaamadda guduudan ayuu kooxdiisa siiyay goolka guusha isaga oo hoggaanka ugu soo celiyay 2-1 markii uu Messi ka barbareeyay kubbad uu iska dhaliyay Pique.

Cr7 ayaana markaas siibtay maaliyadda isaga oo sidaas ku qaatay caalamadda jaalaha ah, hayeeshe daqiiqado yar kadib Portuguese-kan ayaa isku dhex tuuray diilinta ganaaxa ee kooxda Barcelona si loogu abaal mariyo gool-ku-laad, balse garsoore Ricardo De Burgos Bengoetxea ayaa go’aansaday in laacibkan uu ka saaro ciyaarta wuxuuna guddoonsiiyay jaalihii labaad isaga oo u raacsiiyay calaamadda guduudan.

Xiriirka kubadda cagata Spain ayaa go’aansaday In laacibkan la ganaaxo shan kulan isla markaana uu ka maqnaado garoomada.

Wuxuu seegi doonaa Ronaldo lugta labaad ee  Super Cup iyo 4 kulan oo La Liga ah.

Wax la filayay ayay ahayd in laacibkan uu la kulmi doono ganaax u dhaxeeya 4-12 kulan oo ah sida uu qabo qodobka 96aad ee sharciga ciyaaraha Spain.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan