Himilo FM – Cristiano Ronaldo ayaa lagu wadaa inuu ku laabto magaalada Madrid Talaadada maanta ah isaga oo wajahaya Maxkamada Gobolka.
Weeraryahanka Juventus ayaa lagu eedeeyay in uusan bixinin 12 milyan oo ginni oo canshuur ah oo ku saabsan xuquuqda sawirkiisa intii u dhaxeysay 2011 iyo 2014 xilligaasi oo uu joogay Real Madrid. Ronaldo ayaa oggolaaday heshiis uu ku bixinayo lacagta ay kusoo eedeeyeen masuuliyiinta Spain.
Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaray habeenkii isniinta iyadoo Juventus ay weli sii wado ololaha guuldarro la’aanta waxayna 3-0 guul ah ay ka gaartay Chievo.
Laacibka Portugal ayaa haatan ku laaban doonaa Spain si uu u oggaado waxa kasoo bixi kara khiyaanada canshuurta ee uu sameeyay.
Ronaldo ayaa codsi rasmi ah u diray maxkamada si loogu oggalaado in laga ilaaliyo khataraha iyo dhibaatooyinka ku imaan kara isaga oo codsaday in uu kasoo galo albaabka weyn sida ay sheegtay El Mundo.
33jirkan ayaa rajeynayay in maxkamadu u oggolaato in uu u galo dhismaha iyada oo loo marayo baarkinka baabuurta si uu isku ilaaliyo una damaanad qaado nabadgelyadiisa.
Ronaldo ayaa weydiistay codsigiisa in la tixgeliyo maadaama heerkiisa iyo khataraha kusoo wajahnaan karo isaga ay ka dhigeyso in uu ka soo galo albaabka weyn.