Home / Habka-Nolosha / CRonaldo oo Real Madrid ku qaadanaya mid kamid sanadihiisii ugu xumaa.

CRonaldo oo Real Madrid ku qaadanaya mid kamid sanadihiisii ugu xumaa.

Muqdisho – Cristiano Ronaldo ayaa heysta mid ka mid ah xilli ciyaareedkiisii ​​ugu xumaa ee La Liga tan iyo markii uu kusoo biiray Real Madrid.

32 jirkan ayaa qaab ciyaareed aan fiican kula bilowday Los Blancos sanadkan iyada oo kooxda Zinedine Zidane ay durbadiiba 10 dhibcood ka danbeyso hoggaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona

Xiddiga Los Blancos ayaa dhaliyay 42 gool 46 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, ayaa u sahashay in loo caleemo saaray abaal-marinta xiddiga sannadka ee Fifa bishii lasoo dhaafay ee October.

Laakiin Ronaldo oo kusoo guuleystay Champions League sanadkii lasoo dhaafay ayaa 32 jirsaday, kaliya hal gool ayuuna dhaliyey siddeed kulan oo uu ciyaaray kulamada La Liga xilli ciyaareedkan.

Qiimeyn ahaan waa sanadkii ugu liitay ee uu ku qaato kooxda caasimadda tan iyo markii uu uga soo biiray naadiga Manchester United ee ka dhisan England tan iyo 2009.

Hayeeshe sheekada la yaabka leh ayaa noqotay  in Ronaldo uu mid ka mid ah lix ciyaaryahan oo ka ciyaara horyaalka La Liga oo ku guuldareystay inuu hal taakal sameeyaan tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedkan waxaana ka sii dareysa, lixdaas ciyaaryahan afar ka mid ah waa goolhayayaal, ciyaaryahanka shanaadna xitaa kuma uusan soo bilaabanin ciyaar sanadkan.

Los Blancos ayay qasab ku tahay in ay kusoo laabato waddada guulaha marka ay  wajahdo Apoel Niscosia tartanka Champions League Talaadada. Halka Ronaldo qaab ciyaareedkiisii Yurub uusan wax badan iska bedelin marka loo fiiriyo sanadihii hore – waxa uuna dhaliyay lix gool afar kulan oo uu kasoo muuqaday.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan