Home / Caafimaad / Daacuunkii 1911: Sidee caalamka ugu adkaaday musiibadii argagaxa laheyd?

Daacuunkii 1911: Sidee caalamka ugu adkaaday musiibadii argagaxa laheyd?

Himilo – Kahor 100 sanno, daacuun galaaftay nolosha dad badan ayaa ka dillaacay Shiinaha isaga oo ku dhawaaday in uu noqdo xannuun safmar caalami ah. Asalka xannuunka ayaa loo celiyay xawayaannada , taasi oo ay ka simman yihiin safmarka Covid 19 ee maanta ka jira caalamka.

Tallaabooyin badan ayaa la qaatay si loola dagaalamo fiditaanka xannuunka. Waxaa kamid ahaa karantiilka dadka iyo xerashada af-shareerka iyada oo xannibaad la saaray safarka.

Sidaasi oo ay tahay, daacuunka safmarka ah ayaa galaaftay nolosha 60 kun qofood, taasi oo ka dhigtay mid kamid ah cudurrada safmarka ee ugu saameynta badnaa xilligaasi.

Calaamadaha xannuunkasi daacuunka waxaa kamid ahaa qandho darran oo jirka oo dhan ah iyo qufac uu la socdo dhiig.

Sida looga jawaabo khatarta xannuunka, xukuumadda Shiinaha ayaa qabatay shir caalami ah oo ay isugu yimaadeen khubarada cudurrada faafa ee caalamka oo dhan.

Ujeedka ugu weyn ee shirka ayaa ahaa in la oggaado sababta fiditaanka xannuunka iyo wadiiqooyinka loo mari karo joojinta fiditaankiisa.

Daacuunkii safmarka ahaa ee Shiinaha ayaa billowday sannadkii 1911-kii laakiin waxa uu gaaray illaa 1911-kii.

Khubaro badan ayaa aaminsan in wadashaqeynta iyo dadaallada Covid19 aysan aheyn kuwa si wanaagsan u abaabulan marka loo fiiriyo sida looga jawaabay cudurro badan oo safmar ahaa  oo dunida soo maray.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan