Home / Cayaaro / Daafaca Tottenham Hotspur oo wadahadallo kula jira Roma

Daafaca Tottenham Hotspur oo wadahadallo kula jira Roma

Himilo – Roma ayaa la tilmaamayaa inay xoojineyso dadaalka ay ku dooneyso saxiixa daafaca Tottenham Hotspur Jan Vertonghen.

Kaddib muddo 8 sanno ah oo uu joogay Waqooyiga London, Vertonghen  ayaa la filayaa in uu dorto koox cusub dabayaaqada 2020-ka.

Iyada oo Inter Milan la socoto xaaladda, Il Messaggero ayaa xusay in  Roma u dhaqaaqayso cayaaryahanka qaranka Belgium-ka.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in wadahadallo lala yeeshay 33 jirka oo loo bandhigay qandaraas labo sanno ah oo uu ku joogayo garoonka Stadio Olimpico.

Roma ayaa heysata khiyaarka ah inay dheereyso qandaraas illaa dhammaadka bisha June ee sannadka 2022-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan