Home / Habka-Nolosha / Daafacii ugu horreeyey PSG oo saddexley dhaliya.

Daafacii ugu horreeyey PSG oo saddexley dhaliya.

Muqdisho – Layvin Kurzawa waxay xalay u ahayd habeen gooni ah markii kooxdiisu ay wajahday Anderlecht tartan katirsanaa horyaalka UCL.

Daafacani wuxuu dhaliyay saddex kamid ah goolasha kooxdu 5-0 kaga adkaatay dhigeeda marti ahaan kaga timid dalka Biljamka.

Tani waxay ahayd markii ugu horreysay taniyo kusoo biirista kooxda PSG iyo xirfadda ciyaarihiisa dhammaan. Waa ciyaaryahankii labaad oo PSG ka tirsan oo saddexley dhaliya marka laga yimaado Zlatan Ibrahimovic oo sanadkii 2013-ka sidaan oo kale sameeyey kolkii uu kooxda kamid ahaa.

PSG ayaa ku socta dardar xooggan oo ciyaaraha ah taniyo markii uu furmay xagaaga 2017-2018.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan