Home / Habka-Nolosha / Daanyeero qoysas ka barakaciyay tuulo ku taalla Hindiya

Daanyeero qoysas ka barakaciyay tuulo ku taalla Hindiya

Himilo – Boqalaal daanyeero ah ayaa ku qasbay dadka deegaanka tuulo ku taalla dalka Hindiya inay ka barakacaan guryahooda kaddib markii daanyeerada baabi’iyeen dalagooda islamarkaana geysteen burbur baaxad leh.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ku dhawaad 20 qoys ayaa ka barakacay tuulada Narsapur oo ay soo weerareen 400 daanyeer.

Weerarka daanyeerada ayaa ku qasbay beeraleyda inay u guuraan deegaanada kale iyaga raadinaya shaqooyin kaddib markii daanyeerada baabi’iyeen dalagooda.

Dhibaatada xayawaanka ayaa soo bilaabatay 15 sanno kahor markii koox ugaarsato ah ay ka ceyriyeen daanyeero magaalada Hyderabad.

Beeraleyda qaar ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabteen tuulada kaddib markii duqa cusub ee magaalada uu kaalmo weydiistay ugaarsato si loo fogeeyo xayawaanka.

Ugaarsatada ayaa illaa iyo immika qabtay 100 daanyeer oo ay ku sii daayeen keymaha waaweyn ee ku dhaw magaalada.

Varasa Sivarama Krishna oo ah duqa magaalada ayaa yiri “Waxaan arkay dhibaatada dadka ku qabaan daanyeerka, waxaan go’aansaday in aan yareeyo culeyska heysta.”

JK Nagaya oo ah beeraley ayaa tilmaamay in dalagiisa uu waayay isaga oo xusay in uu dareemayo culeys dhaqaale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan