Dad ku nool gobolka Iowa ee Mareykanka oo baadi-goobaya dameer ka maqan

Himilo – Dadka ku nool magaalada yar ee Glenwood, gobolka Iowa ee Mareykanka, ayaa iska kaashanaya raadinta dameer dhedig ah oo toddobaadyo ka maqan deegaanka.

Hay’adda samatabbixinta xayawaanka ee Hooves and Paws Rescue of the Heartland ayaa bulshada ku wargelisay maqnaanshaha dameerta, iyadoo xaafadaha ku dhejisay waraaqo ay dadka kaga codsanayso inay soo sheegaan haddii ay arkaan.

Dameerta ayaa baxsatay xilligii deegaanka uu ka jiray dabaaldegga Halloween-ka dabayaaqadii Oktoobar, iyada oo ka carartay goob ay haweeney ku xannaanaynaysay kaddib markii si xun loola dhaqmay.

Dameerta oo da’deeda lagu qiyaasay hal sano iyo bar ilaa laba sano ayaa dadka baadi-goobaya u bixiyeen magaca “Hope”.

Dadka raadinteeda wada ayaa adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo fardo. Dameerta ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay agagaarka waddooyinka Paddock Avenue iyo Moon Avenue.

error: Copy lama Ogola Fadlan