Home / Arrimaha Bulshada / Dadka furaha ku illooba guryaha markay baxayaan oo xal loo helay!

Dadka furaha ku illooba guryaha markay baxayaan oo xal loo helay!

Himilo FM –Shirkadda Panasonic ee dalka Japaan ayaa soo saartay qalab elektoroonik ah oo dadka ka caawinaya inaysan waxyaabaha muhiimka u ah ku soo hilmaamin guriga markay ka soo baxayaan.

Barnaamijkan oo loo yaqaan “Hitokoe” ayaa ka kooban qalab yar oo la dhigayo meel ku dhaw guriga iyo qalabyo kale oo electoroonik ah oo qofka u fududeynaya inuusan guriga kaga soo tagin waxyaabaha muhiimka u ah sida furayaasha, taleefanka, boorsada iyo dalladda.

Waxa uu qalabkan ku shaqeynayaa barnaamij ku jira taleefanada caaqilka ah iyadoo uu taleefanka muujinayo dareen digniin ah marka uu qofka guriga ka soo baxo islamarkaana uu kaga soo tago mid kamid ah waxyaabaha marka hore lagu barnaamijeeyay Hitokoe sida furayaasha iyo wixii lamid ah.

Waxaa intaa dheer in barnaamijkan uu qofka u adeegsan karo qabashada howlo kale oo muhiim ah isaga oo xusuusinaya, waxayna ka dhigan tahay qof kasta inuu barnaamijka ku saleynayo baahida uu qabo.

Dad badan ayaa guryaha uga taga waxyaabo muhiim u ah shaqadooda ama waxbarashadooda, tani waxay keentaa caqabado hase ahaatee Panasonic ayaa u muuqata inay xal u heshay dadka la noolaa caadada ah in guryaha lagu illoobo waxyaabo aanan maalintaasi laga maarmin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan