Home / Macluumaad / Dadka reer Gaza oo naftooda halis u galiya si ay cunno u helaan

Dadka reer Gaza oo naftooda halis u galiya si ay cunno u helaan

Himilo – Dadka ku nool Marinka Gaza ayaa wajahaya safarro maalinle ah oo halis ah si ay u helaan cunto ay ku quudiyaan qoysaskooda, iyadoo Israa’iil ay weli sii waddo go’doominta iyo weerarrada joogtada ah ee ka socda gudaha dhulka go’doonsan.

Warbixin cusub oo ay daabacday wakaaladda Anadolu ayaa muujisay sida boqollaal Falastiiniyiin ah oo ka yimid waqooyiga Gaza ay si khasab ah ugu socdaalaan masaafo dheer oo ah jidka xeebta ee Al-Rasheed, si ay u gaaraan bartamaha Gaza halkaas oo laga filayo inay helaan raashin kooban. Jidka Al-Rasheed ayaa hadda ah waddada kaliya ee furan, kaddib markii ciidanka Israa’iil ay xireen waddadii weynayd ee Salah al-Din.

Gaadiid casri ah sida baabuurta iyo xamuulka ayaa laga mamnuucay jidkaas, taasoo keentay in dadku ay adeegsadaan fardo-dhaan, gaari-dameero iyo tuk-tukyo si ay u gaaraan meelaha ay u socdeen.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan