Home / Arrimaha Bulshada / Dadka Soomaaliyeed maxay ka baran karaan doorashada Mareykanka?

Dadka Soomaaliyeed maxay ka baran karaan doorashada Mareykanka?

Himilo-Waxaa soo gabagaboobay doorashadii madaxtinimadda ee Mareykan-ka, doorashada waxaa ku guuleystay madaxweynihii hore ahna musharihii xisbiga Jamhuuriga Donal Trump.

Doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ee 2024 waxay mar kale soo bandhigtay nidaam doorasho oo ah mid adag, hufan, iyo mid ka tarjumaya xornimada shacabka. Doorashadan waxaa ku tartamaya musharaxiin kasoo kala jeeda labada xisbi ee waaweyn, Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga. Waa Kamaala Haris  oo ah musharaxa Dimuquraadiga iyo musharaxa Jamhuuriga Donald Trump oo horay xilkan u soo qabtay 2017 ilaa 2021. Tartankooda wuxuu leeyahay saameyn ballaaran, isagoo xiisaha u yeelaya doorka doorashooyinka isweydaarsiga hogaaminta iyo aragtida dadka Mareykanka.

Mareykanka wuxuu leeyahay dad gaaraya ku dhowaad 340 milyan oo qof, oo u kala qaybsan gobolo iyo degaano kala duwan. Doorashada Mareykanka marka lagaaro waa mid bulshada laga dareemo xamaasad iyo u diyaar garow, iyadoo dadku ay si nabadgelyo leh uga qayb qaataan habka codbixinta. Nidaamka doorashada Mareykanka wuxuu leeyahay hannaan qaanuuni ah oo sugaya amaanka iyo kalsoonida codbixiyayaasha, waxaana ku lug leh booliiska, laamaha amaanka, iyo guddiyada doorashada oo si firfircoon uga shaqeeya amniga goobaha codbixinta.

Ololaha doorashada ee 2024 waxay ku saleesneed arimo bulshada saameeyn ku leh, sida dhaqaalaha, daryeelka caafimaadka, iyo arrimaha siyaasadda dibadda. Musharixiintu waxay sameeyeen ololeyaal ballaaran oo laga dareemaye gobolada iyo magaalooyin-ka, iyagoo adeegsaday isgaarsiinta casriga ah sida telefishanka, warbaahinta bulshada, iyo goobaha dadku ku kulmaan. Ololahan wuxuu ka caawiyay in bulshada ay fahmaan aragtida iyo qorsheyaasha musharixiinta, iyagoo ka go’aan kaaraya musharaxa u wanaagsan.

Dadka Soomaaliyeed maxay ka baran karaan doorashada Mareykanka?

Soomaalida oo mudo dheer la tacaalaysay nidaam doorasho ayaa waxay wax badan ka baran karaan habka uu Mareykanka u maamulo doorashada. Ugu horreyn, nidaamka codbixinta qof iyo cod ee Mareykanka wuxuu sare u qaadaa codka iyo kalsoonida dadka, isagoo bulshada ka dhigaya mid dareenta in codkooda uu yahay awood ka qaybqaadata isbedelka siyaasadda. Soomaaliya waxay ku noolayd nidaam doorasho aan qof iyo cod ahayn muddo dheer, waxaana muhiim ah in nidaamkan ku salaysan codbixinta tooska ah laga barto, iyadoo la siinayo muwaadiniinta kalsooni ku aaddan doorkooda.

Intaas waxaa dheer, doorashada Mareykanka waxay muujinaysaa muhiimadda nabadgelyada iyo in la xaqiijiyo in dadka ay codkooda si xor ah u dhiiban karaan. Soomaaliya waxay ka faa’ideysan kartaa habka qorsheynta iyo ololaha doorashada, iyadoo diiradda la saarayo sidii shacabka loo wacyigelin lahaa loona gaarsiin lahaa xulashada musharixiinta si xor ah iyo nabad ah.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan