Home / Habka-Nolosha / Daily Mirror Oo Soo Xulatay Shax Isku dhaf ah Ee Kooxaha Arsenal iyoTottenham Ka Hor Kulanka Berito Ee North London Derby.

Daily Mirror Oo Soo Xulatay Shax Isku dhaf ah Ee Kooxaha Arsenal iyoTottenham Ka Hor Kulanka Berito Ee North London Derby.

Jariiradda caan ka ah ee daily mirror ayaa ka soo xulatay shax isku dhaf ah kooxaha Arsenal iyoTottenham kahor kulanka ay berito ku ciyaari doonaa garoonka arsenal ee flay Emirates Stadium ee waqooyiga London.

aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

http://radiohimilo.so

Tottenham ayaa sanaddan ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan iyada oo waliba aan dhinaceeda dhulka ladhigin sanakan.

Arsenal ayaa sidaas oo kale ku jirta  sanad wanaagsan iyadoo ay yar yihiin dhaawacyada labada koox ee sanadkaan.

Jariiradda ayaa lix ciyaartoy ka soo xushay arsenal halka shanta kale ay ka yimaadeen Tottenham

Daily mirror ayaa usoo xulatay gool yahe GK: Hugo Lloris –  oo ah goolhayaha Tottenham, Hugo Lloris ayaa ka galay booskaan gool hayaha waayo araga ah ee arsenal Petr Cech.

Difaaca si siman ayay ugu qeybiyeen iyadoo daafaca midig Hector Bellerin iyo daafaca dhexe Lauren Koscielny ay ka soo xusheen Arsenal, halka daafaca bidix Danny Rose iyo daafaca dhexe Toby Alderweirld ay ka soo xusheen Spurs.

Qalbadda dhexe waxaa ku soo baxay Santi Cazorla oo Arsenal ah  iyo Moussa Dembele oo Tottenham u ciyaara.

Garabka midig ee khadka dhexe waxaa soo galay Alexis Sanchez oo Gunners u ciyaara halka baalka bidix ee khadka dhexe uu ku soo baxay xiddiga South Korea ee Tottenam Son-Heung-Min, iyadoo Mesut Ozil oo Arsenal ah uu ka danbeeya Harry Kane oo Tottenham ah oo hogaaminaya weerar:

Hadaba waa tan shaxdii isku dhafka aheyd ee daily mirror ay ka samaysay labada koox:

Hugo Lloris; Hector Bellerin, Laurent Koscielny, Toby Alderweirld, Danny Rose; Santi Cazorla, Moussa Dembele; Alexis Sanchez, Mesut Ozil, Son Heung-Min; Harry Kane.

 

W/Q: Abdi Aziz Adan Mohamed.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan