Himilo – Daraasad lagu daabacay majalada Science ayaa qiimeyn ku sameysay heerka ammaanada ee dadweynaha ku dhawaad 40 dal oo caalamka ah sida lagu qoray mareegta Alaraby.
Dalalka Carabta ayaa soo galay kaalmaha ugu hooseeya ee liiska sida Morroco, Imaaraadka Carabta iyo dalal kale.
Khubarada baaritaanka ayaa booqday 355 magaalo oo katirsan 40 dal iyaga oo goobo kala duwan uga tagay boorsooyin si loo qiimeeyo heerka ammaanada dadka.
Goobaha looga tagay boorsooyinka waxaa kamid ah bangiyada, tiyaatarada, matxafyada, hay’adaha dhaqanka, xafiisyada boostada, hoteelada, xarumaha booliiska iyo maxkamadaha.
Waxaa loo arkay xarumahan inay yihiin goobo ay isugu yimaadaan dad badan iyadoo looga tagay 17303 boorso.
Baarayaasha ayaa adeegsanayay boorsooyin daah-furan oo la arkay waxa ku jira iyada oo aan la furin. Waxaa ku jiray boorsooyinka qaar lacago iyadoo boorsada laga heli karo magaca qofka leh, cinwaankiisa iyo xog ku saabsan in uu dalka u dhashay.
Daraasadda ayaa tilmaamtay in shucuubta dalalka Switzerland, Holland, Denmark iyo Sweden inay noqdeen kuwa ugu wanaagsan xagga ammaanada iyaga oo soo celiyay boorsooyinka 80%
Morocco iyo Imaaraadka carabta ayaa yimid kaalmaha ugu hooseeya, keliya 20% boorsooyinka ayaa la soo celiyay.
Gunnaanadkii, khubarada ayaa xusay in boorsooyinka faaruqa noqdeen kuwa ugu badan ee dib loo soo celiyay.