Home / Habka-Nolosha / Dameer ku dhaw in uu dhigo rikoor caalami ah!

Dameer ku dhaw in uu dhigo rikoor caalami ah!

Himilo FM – Dalka Ingiriiska, dameer loo bixiyay magaca Derrick ayaa ku dhaw in uu noqdo kan ugu weyn caalamka iyadoo dhirirkiisu yahay 170 Sintimitir sida uu qoray wargeyska The Sun.

Da’da Derrick ma ayan dhaafin 5 jir taasi oo ka dhigan in korriimadiisa soconayso labada sanno ee soo socota.

Waxaa la filayaa in uu rikoorka dameerka ugu weyn ka jabiyo Romulus oo ah dameer dhirirkiisu yahay 172 Sintimitir islamarkaana lagu xanaaneeyo Taxes oo katirsan Mareykanka.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun ee Ingiriiska, asalka dameerkan ayaa loo celinayaa nuuc kamid ah dameerada oo loogu yeero Mammoth Jackstock.

Tracy Garton oo ah qofka xanaaneeya dameerka ayaa tiri “Isaga oo weyn ayuu dhashay, wali ma uusan dhameysan korriimadiisa, waxa uu heystaa wakhti badan.”

Waxay intaa raacisay “Inkastoo oo uu weyn yahay haddana waa mid naxariis badan oo la jecel yahay, waxa uu jecel yahay markasta in uu garabkaaga ahaado.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan