Home / Habka-Nolosha / Dani Ceballos: “Mustaqbalkaygu wuxuu yaalla Real Betis.”

Dani Ceballos: “Mustaqbalkaygu wuxuu yaalla Real Betis.”

Muqdisho – Laacibka qadka dhexe ee xulka Spain, Dani Ceballos ayaa ku adkeystay in mustaqbalkiisu uu dhex yaallo Real Betis – isaga oo iska diiday inuu u dhaqaaqayo naadiga Atletico Madrid.

Ceballos ayaa bandhig wanaagsan kaga hortagay xoogaga Atletico kulankii ay 1-1 isla dhaafi waayeen.

20-jirkan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, wuxuuse doonaya inuu sharfo muddada heshiiskiisa.

“Waxaan aalaaba xiriir weyn lala leeyahay Alexis,” ayuu da’yarkan ka yiri macalinka leyliya.

“Hadda waxaan diiradda saaranayaa inaan naadiga kula guuleysto koobka Europe League.”

“Xagashaasna waa meesha ay wax ka bilaabanayaan, hayeeshe waxaan saddex sano heshiis ah kula jiraa Betis, mustaqbalkayguna waa halkan.”

Betis oo booska 15aad kaga jirta kala horraynta horyaalka ayaa kulankeeda ugu danbeeya xagaaga la ciyaari doonta Sporting Gijon.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan