Home / Habka-Nolosha / Daniel Sturridge oo doonaya inuu ka baxo albaabka  Anfield bisha Janaayo.

Daniel Sturridge oo doonaya inuu ka baxo albaabka  Anfield bisha Janaayo.

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Liverpool, Daniel Sturridge ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Liverpool bisha January, sida ay qortay Daily Mirror.

28 jirkan ayaa ku soo bilowday kaliya afar kulan isaga oo ka hoos ciyaaraya Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan, waxaana uu dareensan yahay inuu u baahan yahay is badel muuqda si uu u rumeeyo rajadiisa ah inuu u ciyaaro England Koobka Adduunka xagaaga soo aadan.

Amaah in lagu fasaxo ayaa macquul ah Sturridge, oo seddex gool u dhaliyey Liverpool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Daniel Sturridge, ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Ingriiska ah ee Manchester City, Chelsea iyo Bolton Wanderers wuxuuna hadda Liverpool u qaataa labarka 15aad.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan