Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Liverpool, Danny Ings ayaa sheegay in uusan qorsheynin in uu ka tago kooxda ku ciyaarta Anfield isla markaana uu sii joogayo kooxdiisa.
Horraantii todobaadkan, Ings ayaa lala xariiriyey in bisha January uu u dhaqaaqi karo Leeds United kadib marii uu 12 soo muuqasho oo kaliya sameeyay kulamada kooxda ka dhisan Merseyside waxaana laacibkan daashaday dhaawacyo soo laalaabtay oo jilibka ah.
Si kastaba , Ings – oo soo laabashadiisa sameeyay kulankii EFL Cup oo ay la ciyaareen Leicester City bishii September – ayaa qorsheynaya in uu u dagaallamo booskiisa kooxda.
25- jirkan ayaa u sheegay The Times: “ Waxaan doonayaa in aan halkan joogo waqti kale.”
Ings hadda heshiiska uu kula jiro kooxda waxa uu dhacayaa kadib saddex sano.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.
better business bureau online pharmacy priligy Your testicles also change shape and move closer to the body because of sexual arousal
On top of everything else, Red Army provides a 30- day refund guarantee on all their products buy priligy online usa Dermatol Ther 21 4 238 244