Himilo FM –Daraasad cusub ayaa tilmaamtay in 11 Milyan oo qofood inay u dhinteen cunto aan laheyn caafimaad oo ay ku badan tahay sokorta iyo cusbada sannadkii 2017-dii.
Cuntada caafimaadka aan laheyn ee u saaxiibka ah cusbada iyo sokorta ayaa ka qeyb qaatay cudurrada wadnaha, kansarka iyo macaanka.
Baaritaanka oo lagu daabacay majalada caafimaadka ee Lancet ayaa lagu eegay 195 dal iyadoo Uzbekistan timid kaalinta ugu horreysa ee dalalka loogu dhinto caafimaad darrada ka dhalata cuntada.
Mareykanka ayaa soo galay booska 43aad halka Ingiriiska, Shiinaha iyo Hindiya yimaadeen kaalmaha 23aad, 140aad iyo 118aad si xiriir ah.
Celceliska cunto caafimaad leh oo dadka qaataan sida miraha ayaa liitay iyadoo dadka si weyn u isticmaalayeen cuntada sokorta badan iyo hilibka la warshadeeyay. Tani waxay sabab u noqotay dhimashada 1-kii qof ee kamid ah 5-tii qofood ee u dhintay cunto aan caafimaad laheyn sannadkii 2017.
Daraasadda oo cinwaan looga dhigay ” Culeyska caalamiga ah ee cudurrada” ayaa la sameynayay intii u dhaxaysay 1990-kii illaa 2017, iyada oo qiimeyn gaar ah lagu sameynayay habka cunna qaadasho ee ka qeyb galayaasha.
Chris Morai oo ah agaasimaha machadka qiyaasaha iyo qiimeynta caafimaadka ee jaamacadda Washington ayaa sheegay in baaritaanka uu xaqiijinayo waxyaabo ay dadka inta badan aaminsanaayeen.
” Cuntada xun waxay mas’uul ka tahay dhimashada inka badan sabab kale oo khatar ah,” ayuu yiri Chris oo hoggaaminayay daraasadda.