Home / Caafimaad / Daraasad: 250 Garaam oo balaastiko ah ayaa gasha jirkeenna sannadkii

Daraasad: 250 Garaam oo balaastiko ah ayaa gasha jirkeenna sannadkii

Himilo – Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in qofka caadiga ah uu qaato ku dhawaad 2000 oo ah haraadiga balaastikada toddobaad kasta.

Biyaha la cabo ayaa lagu sheegay inay yihiin halka ugu badan ee laga helo haraadiga yaryar ee balaastikada ee gala jirka qofka.

Warbixinta daraasadda oo ay soo saartay jaaamacad ku taalla Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dadka ku nool caalamka inay qaataan 5 Garaam oo balaastiko ah toddobaad kasta, waxay u dhigantaa 250 Garaam sannadkii.

Baaritaanka oo uu maal-geliyay sanduukha caalamiga ah ee dabeecadda ayaa loo cuskaday xoggaha inka badan 50 daraasad oo fallanqeeyay balaastikada yaryar sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Biyaha la cabo ayaa ah isha ugu badan iyadoo dhalada iyo nuucyada biyaha laga helo balaastiko yaryar oo uu qaato qofka bini’aadamka ah.

Marco Lamberteini oo ah agaasimaha sanduukha caalamiga ah ee dabeecadda ayaa sheegay in natiijadda ka dhigan tahay baaq ku socda dowladaha iyadoo lagu baraarujinayo khatarta jirta.

Tan iyo sannadkii 2000, balaastikadii ugu badneyd caalamka oo dhan 100 Milyan oo tan ayaa la soo saaray marka loo fiiriyo sannadihii hore       

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan