Home / Daraasad / Daraasad: Bisadaha dhagar ayay kula nool yihiin dadka!

Daraasad: Bisadaha dhagar ayay kula nool yihiin dadka!

Himilo FM – Daraasad cusub oo lagu sameeyay Jabaan ayaa daaha ka qaaday in bisadaha leeyihiin awood lamid ah eeyaha oo u suura galinaysa inay fahmaan hadalada bini’aadamka iyaga oo kala garan kara magacyadooda laakiin waxay u muuqataa inay iska indho tiraan arrintaasi.

Baarayaasha oo katirsan jaamacadda Tokiyo ayaa sameeyay tijaabooyin dhowr ah oo laga qaaday 78 bisadood iyadoo ujeedka uu ahaa in la oggaado haddii bisadaha kala garan karaan magacyadooda iyo hadalada bini’aadamka.

Sida uu muujiyay baaritaanka, bisadaha ayaa garan kara magacyada dadka ugu yeeraan marka la siinayo cunto ama ay ciyaarayaan.

Daraasadda ayaa tilmaamaysa in inta badan bisadaha ka garan karaan magacyadooda hadalada kale xitaa haddii uu u yeero qofka aysan aqoon.

Bisadaha jooga maqaayadaha ayaa si gaar ah looga hadlay, waxaa la xusay inay ku adag tahay inay fahmaan magacyadooda iyadoo taasi ugu wacan tahay shaqaalaha oo markasta ugu yeera magacyo kala duwan.

Khubarada ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda natiijadda baaritaanka oo ay tilmaameen in looga faa’iideysan karo siyaabo kala duwan sida in bisadaha la baro hadalo gaar ah oo badbaadin u noqon kara.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. Arai Y, Fukuzawa S, Terai A, Yoshida O natures viagra Women who took aromatase inhibitors were 47 more likely to suffer a fracture than those on tamoxifen, regardless of how long they took the medicine

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan