Home / Daraasad / Daraasad: Bunka oo kaa caawin kara inaad dhinto miisaankaada

Daraasad: Bunka oo kaa caawin kara inaad dhinto miisaankaada

Himilo – Cabbida koob bun waxay kaa caawin kartaa inaad dhinto miisaankaada, khuburo ayaa xogtan helay, tani waxay gubeysaa  sonkorta iyo baruurta iyadoo dhalaalineysa jirka.

Professor Michael Symonds oo katirsan jaamacadda University of Nottingham madaxna ka ahaa daraasadda waxa uu yiri baaristan waxay aheyd tii ugu horreysay ee lagu sahmiyay laguna oggaaday  in bunka uu saameyn ku leeyahay isbeddelka ku dhaca miisaanka dadka.

 “Billowgii hawsheenna waxaan ogaanay in dhimida cayilka ay ka bilaabato luqunta, natiijadda baarida waxay noqotay mid wanaagsan,” sidaa waxaa hadalkiisa ku daray Professor Symonds.

Khubarada ayaa sheegay in dadka uu hooseeyo miisaankooda ay ku badan yihiin jirkooda maadooyin laga helo bunka.

Cayilka badan marka la joogo caafimaadka waa walaac haysta bulshooyinka halka ay sii badanayaan cudurro dhawr ah oo lala xiriirinayo cayilka badan sida kaadi macaanka, miisaan dhimidda waxay qeyb ka tahay xalka caafimaad darrada. 

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan