Home / Caafimaad / Daraasad: Cagacageynta oo leh faa’iidooyin caafimaad

Daraasad: Cagacageynta oo leh faa’iidooyin caafimaad

Himilo –Baaritaan cusub ayaa daaha ka qaaday in socodka kabo la’aanta uu ilaalo u yahay cagaha qofka inka badan inta kabaha ka badbaadinayaan.

Sida lagu sheegay daraasad lagu daabacay majalada The Nature, cirbo jeexa ka dhasha socodka badan ee kabo la’aanta ayaa waxtar u leh qofka iyadoo uu ka caawinayo kahortagga xasaasiyadda.

Dhanka kale, kabaha ayaa kordhiya xasaasiyadda cagaha iyaga oo saameynta gaarsiiya kala goysyada sarre.

Baarayaasha oo katirsan machadyo ku yaalla Mareykanka, Jarmalka iyo Afrika ayaa sheegay in natiijadda aysan caddeyn u aheyn in socodka kabo la’aanta uu ka caafimaad fiican yahay ku socodka kabaha laakiin cagacageynta ay leedahay faa’iidooyin caafimaad.

Daniel Liberman oo barre ka ah jaamacadda Harvard kana qeyb galay baaritaanka ayaa tilmaamay in cagacageynta leedahay faa’iidooyin badan balse waxa uu ku taliyay baaritaan dheeraad ah.

Khabiirka ayaa intaa raaciyay in cirbo jeexa ka dhasha socodka badan uu cagaha ka dhigayo kuwa adag oo caafimaad qaba islamarkaana uu saacidayo murqaha sida laga diiwaan geliyay 100 qofood oo jooga Kenya iyo Mareykanka.

Dood ayaa ka dhalatay daraasadan oo u muuqata in lagu kala aragti duwanaaday sida  uu qoray wargeyska The Nature.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan