Himilo- Beenta waalidka gaar ahaan tan aabbaha uu ku hadaaqo ayaa saameyn ku reebaysa carruurta illaa da’da qaangaarka ah sida laga soo xigtay baarayaal.
Daraasad ay sameeyeen baarayaal katirsan jaamacadda Nanyang Technological University ee Singapore ayaa tilmaamtay in beenta loo sheego carruurta inay ku reebto dhallaanka saameyn tabban iyada oo cunugga uu noqonayo mid caadeysta dhaqankaasi.
Baaritaanka ayaa muujinaya in dhallinyarada sheega beenta inay yihiin kuwa waalidiintooda gaar ahaan aabbayaasha kula dhaqmeen hab-dhaqan ku dhisan been iyadoo taasi horseed u noqotay inay la kulmaan caqabado xagga maskaxda iyo bulshada ah marka loo fiiriyo asaaggooda.
Setoh Pepe oo caawiye-profeesar ka ah jaamacadda Nanyang Technological University ayaa xusay in beenta aabbaha ee carruurta inay siineyso farriin aan habbooneyn oo dileysa kalsoonida islamarkaana xoojineysa khiyaanada da’yarta.