Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad cusub: 5 calaamad oo lagu garto beenaalaha!

Daraasad cusub: 5 calaamad oo lagu garto beenaalaha!

Himilo – Dad badan ayaa qirtay inay been sheegaan islamarkaana ku marin habaabiyaan saaxiibbadooda iyo xataa dadka ay nolosha la wadaagayaan.

Daraasad cusub oo ay ka qeyb galeen 2000 oo qofood ayaa muujisay qaabab dadka beenta caadeystay lagu garto markay been sheegayaan.

Waxa laga yaabaa dadka qaar in maalintii loo sheego 10 illaa 200 oo been ah haddaba calaamadahan ayaad ku garan kartaa qofka marka uu been kuu sheegayo.

1- Dareenka wajiga qofka

Waxay tani ka dhigan tahay in wajiga qofka u muuqdo mid yar iyadoo uusan jirin dareen, mana aha wax la joojin karo. Haddii aad isbadal ka dareento wajiga qofka kuu sheekeynaya, waxaa laga yaabaa inuu been kuu sheegayo.

2- Dhaqdhaqaaqa indhaha

Inta badan indhaha qofka ayaa si toos ah looga oggaan karaa beenta iyadoo dadka beenta sheega u wareejiyaan indhaha dhanka biddix markay sheekeynayaan.

3- Dhaqdhaqaaqa gacmaha

Dhaqdhaqaaqa gacmaha ayaa laga aqoonsan karaa beenta. Dadka qaar way ka gariirayaan iyadoo uu culeys badan saaran yahay maskaxda markay been ku hadaaqayaan.

4- Indhaha oo la isku qabto

Waxaa kordhaya inta jeer ee qofka uu indhaha isku qabanayo markasta oo uu been sheegayo sida daraasada tilmaamatay.

5- Dhaqdhaqaaqa lugaha

Marka uu qofka been sheegayo, waxaa kordhaya dhaqdhaqaaqa lugaha oo ma noqonayaan kuwa leh sal fadhiya iyadoo ugu wacan tahay culeyska qofka saaran.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan