Home / Daraasad / Daraasad: Kala bar xeebaha dunida ayaa qarsoomi doona dhammaadka qarnigan

Daraasad: Kala bar xeebaha dunida ayaa qarsoomi doona dhammaadka qarnigan

Himilo – Kala bar xeebaha dunida ayaa qarsoomi doona sannadka 2100 sabab lagu sheegay is beddelka cimillada oo hadda walaac ku haya caalamka, sida lagu shaaciyay daraasad Isniintii la daabacay.

Nabaad guur iyo dhibaatooyin kale oo weyn ayay wajihi doonaan taasi oo ay sabab u tahayn duufaanta, iyada oo xeebaha dunida ee leh ciidda kala bar la weyn doono dhammaadka qarnigan.

Dalalka waa weyn ee lagu xusay daraasadda waxaa kamid ah  United States, Canada, Mexico, China, iyo Chile. Sidoo kale waxay saameyn doonaan xeebaha dhaca dalalka Gacanka kuwaasi oo la kulmi doona nabaad guur sida uu sheegay hoggaanka qoraayaasha cilmi-baaristaan Michalis Vousdoukas oo u warramay USA TODAY.

Bahda sameysay daraasaddan ayaa xusay in isbeddelka ku yimid cimillada dunida 30-kii sanno lasoo dhaafay ay walaac ku abuurtay caalamka isla markaanna looga baahan yahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen haddii kalena uu ku saameyn doono mustaqbalka xiga.

Cilmi-baarita ayaa lagu sheegay in dalalka ku yaalla Galbeedka Africa ay ka qeyb yihiin waddamada ugu badan oo ay saameyn doonto, in ka badan 60% xeebaha ciidda leh ayaa qarsoomi doona sida dalalka Gambia and Guinea-Bissau.

Australia ayaa sidoo kale la kulmi doonto dhibaatadaan iyada oo ay falan-qeeyayaashu leeyihiin in tira ka badan 7,000 oo miles ay Qatari geli doonaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan