Home / Daraasad / Daraasad cusub: Meeraha Mercury ayaa u dhaw dhulka!

Daraasad cusub: Meeraha Mercury ayaa u dhaw dhulka!

Himilo FM –Meeraha Venus ayaa in muddo ah lagu tirinayay inuu yahay kan ugu dhaw dhulka laakiin waxa uu tilmaamtan ku weyn karaa natiijada baaritaan cusub oo dhaliyay dood badan.

Baarayaal katirsan jaamacadda Alabama ayaa sheegay in meeraha Mercury uu dhulka kaga dhaw yahay Venus.

Tom Stockman oo hoggaaminayay baaritaanka lagu daabacay “Physics Today” ayaa xusay inay soo oggaadaan in meeraha ugu dhaw dhulka uu yahay Mercury.

Inta badan masaafada u dhaxeysa meerayaasha ayaa lagu qiyaasaa masaafada ay isku jiraan dhulka iyo qoraxda hase ahaatee baarayaasha ayaa sheegay inaysan taasi aheyn mid la hubo oo dhab noqon karta.

Baaritaanka cusub ayaa dhaliyay dood badan waxaase khubarada sameeyay laga codsaday inay la yimaadaan caddeyn buuxda oo lagu wada qanci karo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan