Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad cusub oo tilmaamtay raadka dalxiiska ku leeyahay qofka

Daraasad cusub oo tilmaamtay raadka dalxiiska ku leeyahay qofka

Himilo – Xaqiiqdii inta badan tani layaab kuguma noqon doonto, laakiin natiijadan ayaa tilmaameysa in dalxiiska uu na farxad gelinayo. Wax badan waad maqashay safarka balse baaritaan cusub ayaa xusaya raadka uu qofka ku reebi karo.

Daraasad ay daabacday Booking.com, ayaa xoggo looga dhageystay inka badan 17,000  qofood  kuwaa oo ka kala socday 17 dal iyaga oo sheegay in dalxiiska uu ka farxad badan yahay wax walba xittaa guurka iyo marka aad heysato carruur.

Ku dhawaad kala bar (49%) dadweynaha ayaa ku warceliyay in fasaxa uu iyaga siinayo farxad badan marka loo eego maalinka meherka, halka inka badan kala bar (51%) ay door bidayaan dalxiiska si ay wakhti ula qaataan qofka ay xiriir la leeyihiin.

77% waxay sheegeen in goorta ay helaan fasaxa shaqada islamarkaanna ay dalxiisayaan farxaddoodu tahay mid sarreysa marka lala barbardhigo inta ay joogi lahaayeen guriga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan