Home / Caafimaad / Daraasad: Dhirta lagu sharxo miiska shaqada oo yareysa walwalka
Woman smiling at office during working day

Daraasad: Dhirta lagu sharxo miiska shaqada oo yareysa walwalka

Himilo – Dadka inta badan dareema culeys xagga xafiiska ah, fadlan waa inay qaataan ogeysiiskan. Baarayaasha ayaa oggaaday in dhirta yaryar ee lagu sharraxdo miiska shaqada ay qeyb ka tahay yareynta wal-walka

Daraasadda oo lagu daabacay HortTechnology ayay kooxda cilmi-baarista waxay ku tijaabiyeen shaqooyinka iyaga dadka aysan suura galka u aheyn helidda degaan cagaaran si ay uga maarmaan inay aadaan goobaha jawiga cagaaran.

“Wakhti xaadirkan, inta badan dadka si buuxda  uma fahamsana faa’iidada ay dhirta u leedahay joojinta walaaca iyo fikirka badan inta la joogo goobta shaqada,” ayuu yiri cilmi-baare ka tirsan jaamacadda Hyogo oo lagu magacaabo Masahiro Toyoda.

“Si aan u xakameyno xaaladaha noocaan oo kale ah, waxaan go’aansanay inay lama huraan tahay xaqiijinta ah in aan keeno caddeyn cilmiyeed oo ku saabsan saameynta ay ku leedahay caafimaadka marka goobta shaqada laga waayo dhir cagaaran,” ayuu raaciyay Toyoda.

Kooxda cilmi-baarista ayaa baaritaan ku sameeyay isbeddelada maskaxda kahor iyo kaddib marka shaqaaluhu ay ka agdhow yihiin miiska la dhigo dhirta, iyada oo daraasaddan lagu sameeyay 63 goobood oo ku yaalla dalka Japan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan