Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: Guurka Internet-ka waa mid guuleysta oo muddo raagaya

Daraasad: Guurka Internet-ka waa mid guuleysta oo muddo raagaya

Himilo – Daraasad cusub  ayaa soo gaabineysa doodda ka taagan guurka Internet-ka iyada oo adkeynaysa in nuuca xiriirkan uu yahay mid guuleysta oo raagga.

Baaritaanka oo ay sameeyeen baarayaal katirsan jaamacadda Vienna ayaa tilmaamaya in dadka iska barta Internet-ka ay si deg deg ah uga dhabbeeyaan xiriirkooda iyaga oo aqal-gala.

Marka la eego daraasadda, guurka ku yimaada barashada Internet-ka ayaa hoos u dhiga fursadaha lamaanaha ku kala tagi karaan.

Baarayaasha ayaa xusay in uu jiro koror badan oo la xiriira nuuca guurka baraha bulshada iyaga oo carrabka ku adkeeyay in xiriirka nuucaan ah uusan sababin furriin sannadka ugu horreeya.

Gabagabada warbixinta, ku dhawaad 150 Milyan qofood ayaa la tilmaamay inay iska baran doonaan Internet-ka. Waxay u badan yihiin da’yarta dhalatay wixii ka danbeeyay 2000.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan