Home / Daraasad / Daraasad: Haweenka ayaa ka adkeysi badan ragga marka la eego cadaadiska shaqooyinka

Daraasad: Haweenka ayaa ka adkeysi badan ragga marka la eego cadaadiska shaqooyinka

Himilo -m Marka la joogo shaqada, waxaa jiri kara xaalado adag. Shaqaale badan ayaa dareema walwal ku saabsan sida ay u dabbaraan dhibaatooyinka ku yimaada iyada oo lagu kala duwan yahay rag iyo dumar.

Hababka ay adeegsadaan haweenka waxaa kamid ah inay ilmeeyaan ama cod sarre ku qeyliyaan taasi oo ka yareysa cadaadiska saaran.

Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in haweenka kaga wanaagsan yihiin ragga adkeysiga cadaadiska shaqada sida uu qoray wargeyska Mirror.

Sida warbixinta xustay, haweenka ayaa adkeysta inka badan inta ragga u dulqaataan cadaadiska ka soo wajaha shaqooyinka.

Daraasadda oo uu sameeyay machad ku yaalla Ingiriiska ayaa caddeysay in haweenka leeyihiin awood ay ku qaadan karaan go’aanno muhiim ah inka badan ragga marka laga hadlayo cadaadiska iyo culeysyada shaqada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan