Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: In ka badan 47,000 oo qof oo kulayl dartiis ugu geeriyootay Europe.

Daraasad: In ka badan 47,000 oo qof oo kulayl dartiis ugu geeriyootay Europe.

Himilo-In ka badan 47,000 oo qof ayaa ku dhintay Yurub sanadkii 2023 sababo la xiriira kuleylka daran, iyadoo wadamada koonfurta Europe ay yihiin kuwa ugu xun, sida ay sheegtay warbixin uu soo saaray Machadka Caalamiga ah ee Caafimaadka Barcelona (ISGlobal).

Sanadkii hore wuxuu ahaa sanadkii ugu kululaa taariikhda. Isbadalka cimilada ayaa saameyn ku yeeshay kororka heerkulka. Yurubiyaanka waxay ku nool yihiin qaaradda ugu kulul aduunka, iyaga oo wajahaya khataro caafimaad oo sii kordhaya oo ka dhashay kuleylka daran. Tirada dhimashada ee sanadkii 2023 – ayaa ka yar tii sanadkii 2022-ka oo aheyd 60,000 oo dhimasho ah. Sara u kaca dhimashada ayaa sii socon doona hadii aan la helin tallaabooyin lagu caawinyo dadka iyo in la hormariyo daryeelka caafimaadka, sida lagu sheegay warbixinta xarunta cilmi barista.

Natiijadu waxay muujinysaa sida bulshadu ula qabsatay sarre u kaca kuleelka, taas oo si weyn u dhimeysa tirade dhimashada hadii koleel horleh uu yimaado.

Elisa Gallo, oo ah cilmi baare ka tirsan ISGlobal ayaa hogaaminaye daraasadda. Cilmi baarayaashu waxay isticmaaleen diiwaanada dhimashada iyo heerkulka ee 35 dal oo Yurub ah. Waxay qiyaasayaan in 47,690 qof ay u dhinteen sababo la xiriira heerkulka sare.

Dalalka Giriigga, Bulgari, Talyaani, iyo Isbaanishka ayaa ahaa wadamada dadka ugu badan ay ugu geeriyoodeen heer kulka sare.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan