Home / Caafimaad / Daraasad: Lacagaha waraaqda ah oo laga heli karo 26,0000 jeermis

Daraasad: Lacagaha waraaqda ah oo laga heli karo 26,0000 jeermis

Himilo – Marka la joogo caabuqa Corona, waxaan mar walba ka feejiganahay arrimo badan oo lagu kala qaado cudurka sida taabashada.

Sidaasi si ka duwan oo aysan dad badan aaminsaneyn, lacagta ayaa si fudud ku faafisa bakteeriyada iyo jeermisyada iyada oo dad badan aysan ku soo dhicin inay gacmahooda meyraan marka ay taabtaan lacag.

Sida laga soo xigtay wargeyska Miskira, koox khubaro katirsan MasterCard iyo jaamacadda Oxford ayaa oggaaday in lacagaha laga heli karo kumanaan bakteeriyada iyo jeermisyada ah.

Daraasadda ayaa lagu baaray 41 kaararka lacagta ah, 27 oo lacagaha waraaqda ah iyo 12 lacagaha birta ah.

Baarayaasha ayaa sheegay in lacagaha waraaqda ah noqdeen kuwa laga heli karo ee gudbiya jeermiska ugu badan.  

Khubarada ayaa xusay in habka ugu habboon ee jeermiska lacagaha waraaqda ah lagula tacaamuli karo uu yahay in gacmaha la meyro si joogto ah mar kasta kahor iyo kaddib cuntada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan