Himilo FM – Waxaa jira dad badan oo dhibsada quurada si gaar ah waxay arrintan saameyn ugu leedahay dadka wada nool ee lamaanaha ah, ka waran haddii quurada dadka caalamka sii kordhayso sida lagu oggaaday daraasad cusub.
Isbitaalka boqortooyada caalamiga ah ee ku yaala magaalada London ayaa ku sheegay baaritaan in quurada ku sii badanayso dadka islamarkaana loo tiirin karo sababo ay kamid yihiin cayilka darran iyo isticmaalka xad dhaafka ah ee taleefanada casriga ah.
Baarayaasha ayaa oggaaday in 7% dadka Ingiriiska ku nool inay ka cabanayaan quurada xilliga hurdada, waxaana taasi sabab u ah dhibaatoyin dhinaca neefsiga ah.
Waxaa ka qeybgalay baaritaanka 1239 qofood, 4-tii qofood ee kamid ah 10-kii qofood ayaa la xaqiijiyay inay quuriyaan seddex habeen toddobaad kasta. Ragga aya si gaar ah loo soo calaameeyay oo ah kuwa ugu darran.
Dr Moris Ohiyon ayaa sheegay in buurnaanta darran tahay sababta ka danbeysa quurada badan inkastoo uu xusay in iftiinka taleefanada la siin karo kaalin aan sidaasi u badneyn.