Himilo- Dalal badan, haweenka ayaa ka qeyb gala nolosha siyaasadda iyo midda dhaqaalaha iyaga oo ka shaqeeya dhinacyo kala duwan. Dalalka qaar, waxay jaggooyin sare ka qabtaan shirkadaha, wasaaradaha iyo dowladda.
Sidaasi oo ay tahay, daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday saameynta tabban oo shaqada haweenayda ku leedahay caafimaadka ninka iyo qoyska.
Baaritaanka oo la sameeyay dhawaan ayaa muujiyay in ninka walwal badan ka qaado marka mushaarka xaaskiisa ka dhigan yahay 40% dakhliga qoyska.
Marka la eego daraasadda, waxay xaaladda sii xummaataa marka uu ninka ku tiirsanaado dhaqaalaha haweenayda iyadoo dhaxalka danbe uu noqon karo furriin.
Joanna Cerda oo katirsan jaamacadda University of Bath ayaa sheegtay in aragtiyo dhaqameedka ninka oo ah in uu helo mushaaar ka badan kan xaaskiisa inay dhaawac ku reebi karto caafimaadkiisa.
Baarayaasha ayaa akhriyay xogta 6000 qoys muddo 15 sanno oo xiriir ah. Talada ugu habboon ayaa noqotay in haweenayda kaalmeyso ninkeeda dhaqaale ahaan balse uusan mushaarkeeda gaarin 40% dakhliga guriga.
Rag badan ayay ku adag tahay inay aqbalaan in xaasaskooda noqdaan isha koowaad ee dhaqaalaha qoyska. Waxay u arkaan in tani dhaawac ku tahay hoggaamintooda.