Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: Quurada ayaa khatar ku heysa xiriirka lamaanayaal badan

Daraasad: Quurada ayaa khatar ku heysa xiriirka lamaanayaal badan

Himilo- Haween fara badan ayaa uga taga raggooda sabab ku qotonta quurada oo ay ka qaadaan dhafar iyo madax xannuun sida lagu sheegay warbixin cusub.

Sida ku xusan baaritaanka, 60% haweenka la guursaday ayaa qirtay inay dhafar ka qaadaan quurada raggooda sida uu qoray wargeyska The Sun.

Quurada ayaa sabab u noqotay furriinka lamaanayaal badan oo xaasaskooda ka tageen markii ay sannado u dulqaadan waayeen codka la dhibsado ee quurada.

Mid kamid ah haweenka la wareystay ayaa sheegtay inay dadaal ku bixisay sidii saygeeda ugu qancin laheyd dhibaatada ay ku qabto quuradiisa balse nasiib xummo way ka quusatay iyadoo ugu danbeyn ka tagtay.

Si kasta, quurada ma ahan xannuun, waxaana inteeda badan uu qofku dareemi karaa marka uu u jiifo dhacadiid (dhabar dhabar) laakiin khubarada waxay leeyihiin quurada codka sare waxay tusmo u tahay dhibaatooyin caafimaad darro oo imaan kara sida xusuus darrida.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan