Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: Quurada dumarka waa sida tan ragga!

Daraasad: Quurada dumarka waa sida tan ragga!

Himilo FM –Waxaa jirta aragti taagneyd muddo dheer oo tilmaameysa in quurada xilliga hurdada tahay mushkilad ku kooban keliya ragga hase ahaatee daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in haweenka qudhooda ka cabanayaan quurada waliba si xad dhaaf ah.

Inta badan haweenka ma qirsana inay quuriyaan xilliga hurdada xataa haddii ay sameeyaan, waxay ku adkeystaan in quuradooda aysan lamid aheyn tan ragga.

Khubaro ayaa baartay xaaladaha 2000 qofood oo ka cabanayay quurada, waxayna natiijada soo baxday noqotay mid lama filaan ah.

Baaritaanka ayaa muujiyay in 40% haweenka ka qeyb galay daraasadda islamarkaana sheegay inaysan quurin inay noqdeen kuwa soo saara cod sarre xilliga hurdada.

Baarayaasha ayaa ka dalbanayay dadka inay ka jawaabaan su’aalo la xiriira quurada, waxaana la eegayay heerka quuradooda markay hurdayaan.

Markii la fiiriyay natiijadda, waxay khubarada oggaadeen in uusan farqi u dhaxeyn codka quurada rag iyo dumar.

Daraasadda ayaa ku talinaysa in dhaqaatiirta baaraan sababta quurada haweenka oo inta badan beeniya inay quuriyaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan