Home / Caafimaad / Ragga ay ka dhintaan xaasaskooda oo wajaha wadno xannuun!

Ragga ay ka dhintaan xaasaskooda oo wajaha wadno xannuun!

Himilo FM –Baaritaan cusub ayaa muujiyay in ragga ay ka dhinteen xaasaskooda u nugul yihiin cudurrada wadno xannuunka inka badan haweenka laga dhinto.

Khubaro katirsan jaamacadda Aston University ee ku taalla Birmingham ayaa oggaaday in ragga ay ka dhinteen xaasaskooda u bandhigan yihiin inay u geeriyoodaan wadno xannuun 11%

Daraasadda ayaa lagu eegay xaaladaha labo Milyan oo qofood oo la dhigay isbitaal ku yaalla waqooyiga Ingiriiska iyaga oo ka cabanaya dhibaatooyin xagga wadnaha ah intii u dhaxaysay sanadihii 2000 illaa 2014.

Waxaa la rumeysan yahay in xogta baaritaanka ay kaalmo u noqon karto dhibanayaasha cudurrada wadno xannuunka si loo siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

Dhallinyarada doobka ah ayaa noqday kuwa aan u nugleyn khatarta wadno xannuunka marka loo fiiryo haweenka ku da’da ah sida daraasadda 14-jirka lagu xusay.

Rahul Botlore oo katirsan khubarada baaritaanka ayaa tilmaamay in qofka ragga uu noqonayo mid u nugul khatarta dhimashada la xiriirta wadno xannuunka marka loo fiiriyo haweenayda uu ka dhintay ninkeeda.

Cabista sigaarka ayaa laga yaabaa inay kaalin ku leedahay khatarta ay wajahayaan ragga laga dhinto oo garaaca wadnahooda uusan hagaagsaneyn.

Daraasadda ayaa ku talinaysa baahida loo qabo in ragga helaan kaalmo nuuc kasta marka laga dhinto.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan