Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: Ragga ayaa kaga nasiib badan dumarka shaqooyinka

Daraasad: Ragga ayaa kaga nasiib badan dumarka shaqooyinka

Himilo- Baaritaan cusub oo uu sameeyay machadka caalamiga ee hoggaaminta haweenka ayaa daaha ka qaaday sababaha haween fara badan kahor taagan inay sii wataan shaqooyinkooda.

Sida uu qoray wargeyska The Independent, ragga ayaa ku nasiib badan shaqooyinka waayo uma baahna inay muujiyaan maskax furnaan halka haweenka u baahan yihiin dadaal labo jibaaran si ay u guuleystaan.

Waxaa ka qeyb galay baaritaanka ku dhawaad 20 kun qofood oo ka kala socday 28 dal oo dunida ah.

Dadka la weydiiyay su’aalaha ee dalalka Mareykanka, Australia iyo Ingiriiska ayaa ku sheegay maskax furnaanta sabab kamid ah 14 qoddob oo haweenka ka saacidaya inay sii wataan xirfadooda.

Natiijadda baaritaanka ayaa sidoo kale tilmaamtay in madaxda shirkadaha aysan taageero u muujin haweenka si loo siiyo dallacsiin marka lala barbar dhigo ragga. Tani waa sabab kale oo wiiqaysa shaqada dumarka.

Daraasadda ayaa lagu soo beegay silsiladaha King’s College World Questions ee ku saabsan caqabadaha ka jira sinnaanta labada jinsi caalamka oo dhan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan