Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: Shaqooyinka ay qabtaan ragga khiyaana xaasaskooda!

Daraasad: Shaqooyinka ay qabtaan ragga khiyaana xaasaskooda!

Himilo – Khiyaanada qoyska waxay saameyn tabban ku leedahay xiriirka labada qofood ka dhaxeeya iyada oo ay jiraan ficillo keenaya ama u muuqayana khiyaano oo ka imaan kara labada qofood ee wada jooga midkood.

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in khiyaanada qofka sameynayo ku xeran tahay shaqada uu qabto. Ragga ka shaqeeya shaqooyin gaar ah ayaa farta lagu fiiqay iyadoo la tilmaamayo inay yihiin kuwa inta badan khiyaana xaasaskooda.

Ragga ka shaqeeya shaqooyinka xirfadaha sida hagaajinta tubooyinka iyo dhismaha ayaa yimid kaalinta ugu horreysa liiska ragga khiyaana xaasaskooda.

Booska labaad ee liiska waxaa soo galay dhaqaatiirta iyadoo kaalinta seddexaad yimaadeen dadka ka shaqeeya howlaha ganacsiga. Waxaa tani sabab looga dhigay in ragga qabta shaqooyinkan xiriir la sameeyaan dad badan.

Kaalmaha xigga waxaa yimid ragga ka shaqeeya dhinacyada tiknolojiyadda iyo macluumaadka oo iyagana khiyaana xaasaskooda.

Shaqaalaha ka shaqeeya suuqgeynta iyo howlaha arrimaha bulshada ayaa soo galay kaalinta 12aad halka ay soo raaceen ragga ku howlan arrimaha lacagta iyo waxbarashada.

Daraasada ayaa tilmaamtay in ragga ugu daacadsan islamarkaana aan khiyaano ku sameyn qoyska inay yihiin kuwa ka shaqeeya siyaasadda, dhaqanka iyo fanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan