Himilo FM –Cunista shukulaatada ayaa ka saacidaysa dadka da’ dhexe ku jira ilaalinta dareenka maqalka iyo xannuunada qofka ku imaan kara marka uu gaaro da’ fog sida ay muujisay daraasad cusub.
Baaritaanka oo lagu daabacay majalada Nutrients ayay seynisyahanada Koonfur Kuuriya waxay ku sheegeen in shukulaatada ku jirto maado waxtar badan u leh maqalka.
Xogtan ayaa lagu oggaaday dhowr baaritaan oo la sameeyay intii u dhaxaysay sanadihii 2012 illaa 2013 sida laga soo xigtay seynisyahanada.
“Waxaan xaqiiqsanay in dadka jeclaa shukulaatada islamarkaana si joogto ah u qaadan jiray inaysan la kulmin dhibaatooyinka dhanka maqalka ah markay gaareen da’ fog,” ayuu yiri kormeeraha guud ee baaritaanka.
Khatarta ah in qofka uu beelo dareenka maqalka inta u dhaxaysa 40 illaa 64 sanno waa mid ku yar dadka isticmaala shukulaatada.
Baarayaasha ayaa xusay in shukulaatada kahortag u tahay xannuuno badan oo saameeya maqalka, sidaa darteed qofka si joogta ah u isticmaala ma aha mid u nugul cudurrada ku dhaca maqalka.