Home / Daraasad / Daraasad: Waalidiinta carruurta 2037 ayaa noqonaya kuwa iska bartay Internet-ka

Daraasad: Waalidiinta carruurta 2037 ayaa noqonaya kuwa iska bartay Internet-ka

Himilo- Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in muddo 20 sanno gudaheed ah in carruurta dhasha waalidiintooda noqon doonaan kuwa iska bartay baraha bulshada si ka duwan habab dhaqameedka kale.

Baaritaanka oo ay sameeyeen arday katirsan jaamacadda Imperial College London ayaa tilmaamay in 2.8 Milyan carruur ah inay dhaleen waalidiin iska bartay baraha bulshada intii u dhaxaysay sannadihii 2000 illaa 2019.

Baarayaasha ayaa shaaciyay in la filayo in tirada carruurta waalidiinta ku kulmay baraha bulshada kororto marka la gaaro sannadka 2037.

Baraha bulshada ayaa hadda noqday habka ugu fudud ee la isku barto, waxaana shabakadaha dadweynaha dhiseen qoysas badan.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in kala bar dadka Ingiriiska inay rumeysan yihiin in qof wanaagsan oo lammaane la noqda inay si fudud uga heli karaan.

Paulo Tatici oo kamid ah baarayaasha ayaa sheegay in shabakadaha digital-ka ah fududeeyeen isbarashada iyo dhismaha qoysas badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan