Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad xiriir ka dhaxeysiisay qosolka iyo da’da qofka!

Daraasad xiriir ka dhaxeysiisay qosolka iyo da’da qofka!

Himilo FM –Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in qosolka muddo 30 daqiiqo ah maalin kasta uu hagaajin karo caafimaadka xubnaha jirka qofka.

Baarayaasha oo katirsan machadka Rizza ayaa sheegay in qosolka 30 daqiiqo maalin walba uu raad wanaagsan ku leeyahay caafimaadka . Waxay tusaale u soo qaateen in qosolka dheelitiran uu hagaajinayo hurdada, wadnaha, beerka iyo sambabaha qofka.

Dhaqaatiirta ayaa intaa raaciyay in giriirka ka dhalanaya qosolka uu saameyn toggan ku leeyahay wareegga dhiigga iyo shaqada xubnaha gudaha.

Qosolka ayaa lagu tiriyaa in uu muhiim u yahay dadka gaara da’da afartameeyada iyadoo uu xoojinayo awoodda difaaca jirka islamarkaana uu kahortag u noqon karo cudurka Kansarka.

Khubarada ayaa tilmaamay in qosolka uu hoos u dhigo garaaca wadnaha islamarkaana uu furo halbowlayaasha iyadoo jirka uu soo deynayo dheecaano muhiim ah oo saameyn ku leh neerfaha qofka.

Iydoo la cuskanayo xogta baaritaanka, qosolka maalin kasta waxa uu dheereyn karaa da’da qofka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan