Home / Cayaaro / David Luiz “Keba waa ku waajib in uu ixtiraamo tababaraha.”

David Luiz “Keba waa ku waajib in uu ixtiraamo tababaraha.”

Himilo FM –David Luiz ayaa aaminsan in Kepa Arrizabalaga tahay in uu  ixtiraamo go’aankii Maurizio Sarri uu kaga saaray ciyaartii finalka EFL Cup laakiin waxa uu sheegay in xaalka uu caadi yahay.

Chelsea ayaa guul darro gool-kulaad ah kala kulantay Manchester City kulankii axadda ee Wembley laakiin riwaayad ayaa timid dhammaadkii ciyaarta markii Kepa uu diiday in uu bedel ku baxo. Sarri ayaa si ba’an uga fal celiyay arrinka uu sameeyay Kepa.

Labada shaqsi Kepa iyo Sarri ayaa isku dayay inay hoos u dhigaan dhacdada kaddib markii uu dhammaaday finalka iyaga oo ku adkeystay in uusan khalad ka dhaxeynin ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka inkastoo Luiz sheeganayo in uu u sheegay saaxiibkiisa in go’aanka tababaraha uu ahaa mid mudan in la ixtiraamo.

“Ma ogi, ma aqaano” ayuu Luiz u sheegay suxufiyiinta markii la weydiiyay haddii uu ogaa sababta uu Sarri u doonayo inuu u bedelo goolhayaha, iyadoo Willy Caballero uu diyaar u ahaa inuu yimaado..

Waxa uu intaa raaciyay “Tababaraha waxa uu rajeeyay in uu bedel ku sameeyo sababtoo ah haddii uu dhaawac gaaray ama uusan aheyn, laakiin ma uusan fahmin taasi.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan