Home / Cayaaro / David Luiz oo aqbalay heshiis muddo kordhinta Chelsea

David Luiz oo aqbalay heshiis muddo kordhinta Chelsea

Himilo FM – Daafaca Chelsea David Luiz ayaa lagu soo waramayaa in uu aqbalay qandaraas kordhin hal sanno ah oo uu u saxiixayo naadiga  Blues.

Luiz ayaa la filayaa in uu heshiiskiisa haatan ee Stamford Bridge uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, taasi oo la micno ah in uu  xor u yahay in uu wadahadal la galo kooxo ajaanib ah.

Si kastaba, sida laga soo xigtay shabakadda Goal.com, wakiilada daafaca ayaa joogay London toddobaadkii ugu danbeeyay iyagoo kala hadlay arrimaha Chelsea kuwaas oo kordhiyay wakhti dheeri ah illaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2019-2020.

Luiz ayaa dib ugu soo laabtay Chelsea isagoo ka yimid Paris Saint-Germain sannadkii 2016, waxaana uu haatan kamid yahay xiddigaha ugu miisaanka culus tababare Maurizio Sarri.

31 jirkan ayaa 226 kulan u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan isagoo dhaliyay 16 gool, islamarkaana diiwaan geliyay 12 caawin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan