Home / Cayaaro / David Luiz “Waxaan ku guuleysan karnaa Premier League.”

David Luiz “Waxaan ku guuleysan karnaa Premier League.”

Arsenal ayaa ku jirta booska seddexaad ee kala sarreynta horyaalla Premier League kaddib markii ay ku billowdeen si wacan iyaga oo ka hoos shaqeynaya tababare Unai Emery.

Waxa ay sagaal dhibic ka hooseeyan Liverpool oo iyadu hoggaanka u heysa balse keliya hal dhibic ayay u jiraan Man City.

David Luiz ayaa sheegay in Arsenal ay u qalanto in mar kale ay hanato kaddib 15 xilli ciyaareed oo ay koob la’aan yihiin.

Tijaabada xigta ee Gunners waa kulanka ay bannaanka kula soo ciyaarayaan naadiga Sheffield United.

“Waxaan doonayaa in aan Arsenal kula guuleysta horyaal, waxaan rabaa in aan la qabsado hab ciyaareedka Gunners sida kooxda iyo habka macallinka uu u rabo in aan u ciyaarno.

Waxaan u maleynayaa taasi in aan si wadajir ah u sameyn karno ayuu Luiz u sheegay NBC Sports.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan