Home / Cayaaro / David Moyes oo qarka u saaran dib ugu laabashada koox uu horay u soo maamulay

David Moyes oo qarka u saaran dib ugu laabashada koox uu horay u soo maamulay

Himilo- David Moyes ayaa  u muuqdo inuu yahay ninka ugu cadcad ee ka bedelaya Marco shaqada Everton.

Ka dib guuldaradii 2-0 ee Sabtidii ka soo gaartay Norwich City, Toffees ayaa ku jirta booska 15aad ee kala sarreynta Premier League, taasoo keentay in loogu yeero Silva in laga qaado booskiisa.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Farhad Moshiri ayaa isha ku haya inuu u muujiyo daacad ninka  u dhashay Portugal, kaasoo lacag badan lagu siiyay seddexdii suuq furan ee  Goodison Park.

Sikastaba, warbixinta ayaa sheegeysa inay isa soo tareyso inay macquul tahay in Everton ay dirto Silva, iyadoo Moyes uu qarka u saaran yahay inuu ku laabto kooxda.

Tababaraha reer Scot wuxuu ku riyaaqay guulo wax ku ool ah Merseyside intii u dhaxeysay 2002 iyo 2013, taasoo ugu dambeyntii keentay in isaga loo xusho bedelka Sir Alex Ferguson ee Manchester United.

Moyes, oo shaqada ka maqnaa tan iyo markii uu ka tagay West Ham United sanadkii 2018, ayaa laga yaabaa in loo gacan geliyo heshiis ilaa dhamaadka ololaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan