Home / Cayaaro / David Silva oo magac dhabay xiddiga buuxin kara Booskiisa

David Silva oo magac dhabay xiddiga buuxin kara Booskiisa

Himilo – David Silva ayaa kalsooni ku qaba in Phil Foden uu awoodi doono inuu buuxin karo booskiisa Manchester City marka uu kooxda ka tago sanadka soo aadan.

33 jirkan ayaa ka tegi doona Sky Blues 10 sanno ka dib marka qandaraaskiisa uu dhaco sannadka 2020ka.

Foden oo 19 jir noqday 28-kii May ayaa 26 kulan u saftay City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore markii ay hantiyeen  seddexdii koob ee maxaliga ahaa , wuxuu ku guuleystay horyaalka, Community Shield isla markaana wuxuu gaaray UEFA Champions League quarter-final-kiisa.

Waxa uu sidoo kale gool u dhaliyay xulka England ee da’doodu ka hooseyso 21 jirada tartanka UEFA European Championship horraantii bishan June:

Ciyaaryahankii hore ee xulka Spain Silva ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu ka tago Etihad Stadium dhammaadka 2019-20, Taasoo u noqon doona ciyaaryahanka  sanadkiisii 10aad iyo xilli ciyaareedkiisii  ugu danbeeyay ee kooxda haysata horyaalka Premier League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan