Himilo – Gudaha caasimadda dalka oo xilligan dad badan qabowga awgiis uga jiraan aqalladooda iyaga oo aan dooneyn inay usoo banaan baxaan roobabka aan kala go’a lahayn ee Muqdisho ka da’aya, in kale oo isla caasimadda ku nool ayaan lahayn doorasho kale oo aan ka ahayn inay u gegsadaan qabowga daran ee roobabku sitaan. Waana dadka aanay in badan indhaha bulshada wada qaban ee loogu yeero darbi-iifta.
Daalaa-dhaca waayaha adag oo ay wajahaan hadiyo jeer kama helaan waqti ay mahdiyaan kaas oo ay habeen nabad leh ku qaataan. Hadda oo lagu jiro xilli roobaad ka duwan midkii ka di’i jiray magaalada, noloshoodu waa halkii laga yiri: adigoo harsan la’aa malaguu soo har-galay?!
Darbi-jiifta oo aalaaba loogu yeero kuwo aan heysan gabaad iyo hoyaad joogto ah, waa qeyb aan muuqan oo kamid ah bulshada. Waa qeyb heliwaaga gacan iyo garab ay kula dagaal-galaan waayaha adag iyo waqtiga oo ku wiirsaday awgiis ay ku kaliftay inay gaar uga soocmaan bulshada inteeda kale. Sheekooyinka noloshooduna kama duwana sida kuweenna maalinlaha ah. Waqtiga waxaa jiray sideenna oo kale ay ahaayeen xubno firfircoon oo kaalin muhiim ah kaga jira horumarinta bulshada – qoys ilaa qaran.
Hadda sawirkaas wuxuu kusii danbeeyaa maskaxdooda. Noloshoodana waxaa hareeyey humaag aan dhab u jirin oo mala-awaal ah kaas oo ay isku moodsiiyaan waaqica dhabta ah ee nolosha.
Innagu waynu gaajoonna; hase ahaatee, waynu ognahay waqtiga aynu wax cuni karno. Balse iyagu way gaajoodaan; hayeeshe, ma oga waqtiga ay wax cuni doonaan! Waynu nasiib badannahay. Waayo waxaynu heli karnaa wax ka badan waxaynu u baahannahay.
Darbi-jiifku waa muwaadin arradan. Waa Soomaali jira oo dadkiisa dhex-jooga. Kolka aad adiga oo dharagsan oo xarago dhacleynaya suuqa usoo dhaadhacdo; isagu wuu ku arkaa; ku dhaataa; dhab kuu fiirsadaa; adiguse ma aad aragtid oo inuu jiro iyo in kale makala ogid. Isaga oo shanta dhigaya ayaad meelaha isku dhaaftaan. Adigaase mooge, isagu wuu ku eegtaa!!
Dib-jirta ama hoy la’aanta waxay saamaysay qeybo badan oo bulshada Somaaliyeed kamid ah sida qoysaska, carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah.
Dhibaato darbi-jiiftu waa burbur iyo musiibo qaran. Waana mid la kowsatay taniyo markii dalku xurnimada qaatay. Marnaba mdhicin in miiska lasoo dhigo xal-u-helidda mushkiladda darbi-jiifnimada. Waagii Kacanka ayay u badan tahay inay ahayd xilligii ay dhibaatadani ku jirtay halkii ugu hooseysay taariikhda.
Hayeeshe, burburkii kaddib oo kaabayashaada noloshu iska noqdeen kuwo aanu qof kasta heli karin iyo dagaallada joogtada ah ee waddanka ka jira, marxaladda ay wajahayaan sannadihii dhawaa waa kugu daran.
Kasokow dhibaatada guda-ahaaneed oo ay iskula nool yihiin darbi-jiifta taas oo mararka qaar halis geeri la’eg ku keenta xubnaha nugul ee katirsan beesha darbi-jiifta, waxaa kale oo jira dhibaatooyin caafimaad oo kaga imaanaya is-beddelka cimilada iyo degaanka.
Hadda oo lagu jiro xilli roobaad aan horay sidiisa oo kale muddo sannado ah loogu arag caasimadda iyo gebi ahaanba dalka, waa muhiim in lagu baraarugsanaado dhibaatooyinka soo food-saari kara. Tanina ma ahan saadaal oo qura. Goor hore waxaa lasoo werinayaa sheekooyin ku saabsan sida ay ugu rafaadsan yihiin qabowga iyo jimic la’aanta nololeed oo ay kaga hortagayaan inay u gegsadaan roobka.