Home / Arrimaha Bulshada / Da’yar loo maxkamadeynayo farriimo uu WhatsApp-ka ugu diray gabar

Da’yar loo maxkamadeynayo farriimo uu WhatsApp-ka ugu diray gabar

Himilo – Magaalada Sharjah ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu maxkamadeynayaa nin dhallinyaro ah oo farriimo ugu diray WhatsApp-ka gabar u dhalatay dalkaasi sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka warbaahinta.

Sida uu qoray wargeyska Emarat Al Youm, eedeysanaha oo u shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay ayaa farriimo u diray gabadha oo macaamiil la ah shirkada uu u shaqeeyo.

Gabadha gudbisay dacwadda ayaa ka cabanaysa in uu wiilka u soo diray farriimo aan habbooneyn oo dhaawacay islamarkaana ka carreysiiyay.

Wiilka ayaa ka dalbaday gabadha inay ula baxdo bannaanka wadooyinka Imaaraadka, taasi oo keentay cabashada gabadha oo sheegtay in uu ku dhibay farrimaha WhatsApp-ka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysanaha aan la shaacin magaciisa in uu qirtay farriimaha uu diray hase ahaatee waxa uu tilmaamay in uusan u qorsheyn dhibaateynta gabadha.

Isaga oo sii hadlay, waxa uu xusay eedeysanaha in gabadha lagu leeyahay lacag aysan bixin oo ay ku kireysatay gaari shirkada leedahay, taasi ayuuna ku sheegay ujeedka farriimahiisa.

Maxkamadda magaalada Sharjah ayaa dib u dhigtay maxkamadeynta illaa 9-ka bisha July.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan