Home / Dhaqaale / Da’yar Shiinees ah oo si xeeladaysan u dhacay Apple

Da’yar Shiinees ah oo si xeeladaysan u dhacay Apple

Himilo FM – Dhallinyaro u dhalatay Shiinaha ayaa ku guuleystay inay si xeeladeysan u dhacaan shirkadda Apple iyaga oo ka helay boqolaal kun oo doolar.

Labada wiil oo hadda wajahaya danbiga ah xatooyo ayaa arday ka ah jaamacad ku taalla Mareykanka. Waxay isticmaaleen hab casri ah iyaga oo adeegsanaya siyaasadda dib-u-celinta Iphone-ka ee shirkadda Apple.

Waxay soo bilaabatay sheekadan horraantii sannadkii 2017 markii labada wiil bilaabeen inay taleefano been abuur ah oo laga keenay Shiinaha islamarkaana loo qaabeeyay sida Iphone-ka u geeyaan Apple si loogu beddalo iyaga oo tilmaamaya inay ku arkeen cilado.

Da’yarta ayaa in muddo ah u geynayay shirkadda taleefanada been abuurka ah iyaga oo ka qaadanaya kuwa saxda ah oo shirkadda soo saartay.

Kharashka ku baxay falkan xatooyada ah ayaa lagu qiyaasay 895,000 oo doolar iyadoo la soo codsaday ku dhawaad 3000 oo ah taleefanada Iphone-ka.

Yangyang Zhou iyo Quan Jiang ayaa cilmiga injineeriyada ka dhigta jaamacad ku taalla Mareykanka. Waxaa la xusay inay taleefanada saxda ah u dirayeen Shiinaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan